Howlgalka Kenya ee Somalia oo Sannad Jirsaday

Howlgalka Militari ee ciidamada Kenya ay ka wadaan koonfurta Soomaaliya ayaa sannad jirsaday.

Howlgalkan oo bilowday bartimihii bishii October ee sannadkii hore ayay Kenya ugu magac-dartay "Difaaca dalka", wuxuuna yimid kaddib markii Kenya ay soo wajahday sida ay sheegtay amni-darro ku yimid deegaannada u dhow xadka laba dal ee Somalia iyo Kenya.

Kenya waxay sheegtay in ciidamadeedu ay Somalia u galeen si ay u baacsadaan maleeshiyada ururka al-Shabaab oo ka talinayay koonfurta Soomaaliya.

Ciidamada Kenya ayaa dhawaan qabsaday magaalada Kismaayo kaddib markii ay muddo ku dhow sannad ku soo jireen wadada u dhaxeysa Kenya iyo Kismaayo.

Ciidamada Kenya ayaa dhawaan ka mid noqday howlgalka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ka howlgala.

Howlgalkan Kenya ee Soomaaliya ayaa dhanka kale lala xiriiranayaa qaraxyo dhowr ah oo dhawaannahan ka dhacay gudaha dalka Kenya.

Haddaba weriyaheena Sahra Cabdi Axmed ayaa warbixintan ku eegaysa sannad-guruada koowaad ee howlgalka cidiamada Kenya iyo waliba waxaa Kenya uga suurto-galay howgalkan.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso warbixinta howlgalka Kenya