Warbixinada Kismayo Iyo Guul Darooyinka al-Shabab

Kismaayo

Wararka ka imaanaya magaalada Kismayo ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ah ee dhawaanahan ku sugnaa duleeyada iyo meelo ka mid ah magaalada ay maanta si rasmi ah isugu fidiyeen qeybaha kale ee magaalada

Dadka degaanka ayaa u sheegay VOAda in ciidamo ku hubeysan gaadiid military oo fara- badan ay magaalada galeen saakay xarumana ay ka sameysteen..

Taliyaha ciidamada dowladda Somalia ee Jubooyinka General Ismaciil Saxardiid ayaa VOAda u sheegay in ciidamadu ay qarxiyeen miino taalay meel ku dhow xarunta degmada, cidina aysan wax ku noqon.

Warar kale oo aan la xaqiijin ayaa sheegaya in qaraxaasi miino ay ku dhaawacmeen laba qof oo rayid ah.

Warbixin ka hadleysa xaaladda Kismayo halkan hoose ka dhageyso.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso warbixinta xaaladda Kismayo


Dhinaca kale waxaa guul darooyin isdaba joog ah wajahaya kooxda al-Shabab oo beri ka talin jirtay inta badan koonfurta iyo bartamaha Somalia. waxaa hadda ciidamadii kooxda ee ka baxay Kismayo ay ku suganyihiin dhul juquraafi ahaan u dhaxeeya ciidam cadow ah.

warbixin ku saabsan waxa ugu wacan guul darooyinka al-Shabab iyo meelaha laga yaabo inay ku suganyihiin saraakiishii sar sare ee kooxda oo uu inoo diyaariyay Harun Macruuf halkan hoose ka dhageyso.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso warbixnta guul darooyinka al-shabab