Somaliland ayaa joojisay gebi ahaanba maraakiibta shisheeye ee kalluumaysiga ka wada badaha Somaliland, iyada oo ku eedaysay inay dhaawac soo gaadhsiinayaan goobaha gabbaadka u ah kaluunka.
Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay joojisay gebi ahaanba maraakiibta shisheeye ee kalluumaysiga ka wada badaha Somaliland, iyada oo ku eedaysay inay maraakiibtaasi dhaawac soo gaadhsiinayaan goobaha gabbaadka u ah kalluunka, isla markaana ay jebiyeen shuruucdii loogu talo galay inay ku dhaqmaan xilliga ay kalluumaysanayaan.
Dhageyso wareysiga wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka badda ee Somaliland Cabdullaahi Cismaan Geeljire oo arrintaasi ka hadalaya.