Madaxweyne Xasan Sheek oo Xilka si Rasmi ula Wareegay
Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si buuxda ula wareegay talada kadib xafadla caleemo-saar ah oo ka dhacday Dugsigii hore ee Booliiska ee magaalada Muqdishu.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay xafladda caleemo-saarka ayaa sheegay in beesha caalamka looga baahan yahay inay si buuxda u taageeraan dawladdiisa.
Xafladdan caleemo-saarka ayey ka soo qaygaleen madax caalamka ah oo ay ku jiraan Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle; Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Itoobiya Xaylemaryam Desalenge; Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Turkiga Bekir Bozdag iyo madax ka kala socotay Qadar, Suudaan iyo Uganda.