Liiska 220 Xildhibaan oo la soo Gudbiyey

Guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay haatan gacanta ku hayaan liiska 220 xildhibaan oo loo soo xulay inay ka mid noqdaan baarlamaanka cusub.

Guddiga ayaa sheegay inay bilaabeen howsha kala shaandheynta liiska loo soo gudbiyay, iyagoo sheegay inay liiska ku jiraan xubno aan buuxin shuruudaha laga doonayay, kuwaasoo uu guddigu sheegay inay dib ugu celin doonaan odoyaasha dhaqanka. Sida uu VOA u sheegay, Prof. C/laahi Xiiraay.

Your browser doesn’t support HTML5

Codka Pro. Xiirey halkan ka dhagayso


Dhinaca kale, guddiga farsamada ee odoyaasha dhaqaanka ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan dhismaha aqalka sare ee baarlamaanka, oo ay dhawaan saxiixayaasha Road-mapku ku heshiiyeen in la soo dhiso ka hor 20-ka bishan August.

Guddoomiyaha guddiga, Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa VOA u sheegay in aysan suurto-gal ahayn in aqalka sare lagu saleeyo 18 gobol, isagoo sheegay in arrintaasi ay iska hor-keenayso beelaha,, .