Somaliland: U-dhis oo Dacwad Horgeeyey Maxkamadda Sare

Maxkamadda Sare ee Somaliland ayaa dhageysanaysa dacwad uu soo gudbiyay Ururka U-Dhis ee ka jira Somaliland, waxaana la filayaa dacwado kale.
Ururka U-Dhis oo ka mid ah ururada siyaasadda ee Somaliland ayaa noqday ururkii ugu horeeyey ee ay dacwadiisa dhageysato Maxkamadda Sare ee Somaliland iyada oo la filayo dacwado kale oo ay keenaan ururadii kale ee iyagana la sheegay in aanay buuxin shuruurdihii lagu noqon karayey xisbi siyaasadeed.