Minneapolis —
Muslimiinta caalamka ayaa ku guda jira gudashada acmaasha wanaagsan ee maalmaha ugu dambeeya bisha barakaysan ee Ramadaan.
Maalmahan waxaa ku jira habeenka khayrka badan ee Laylatul Khadriga oo ay dad badani jecel yiiin in ilaahay ku beego. Dhinaca kalana, waxay dadku ku howlan yihiin bixinta zakaatul fitriga ka hor inta aan la oogin salaadda maalinta ciidda.
Haddaba sidee ugu haboon in loo bixiyo zakaatul fitriga, gaar ahaan dadka jooga dalalka galbeedka, waxaa su’aashaasi iyo kuwo kaleba nooga jawaabaya Sheekh Cabdiraxmaan Shariif oo ah imaamka masaajidka Daarul Hijra ee magaalada Minneaplis ee gobolka Minesota.
Madal