Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xujeydii ugu horreysay ee Xajka 2024 oo lagu soo dhaweeyay Madina


Hajj
Hajj

Xujeydii ugu horreysay ee Xajka sannadkan 2024 ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Madina, kuwaas oo ka yimid waddanka India, sida lagu sheegay warbaahinta Xaramka.

Inside Haramka oo ah xarunta wararka ee Xamarka ayaa soo bandhigtay sawirrada iyo muuqallada soo dhaweynta Xujeydan.

Xujey ka socotay waddamad Pakistan iyo South Africa ayaa iyagana goor dambe oo Khamiista ah imaan doonaan Sacuudiga.

Sacuudiga ayaa Sabtidii dhaqan gelinayay awaamiirta Xajka iyadoo dadka deggan gudaha Sacuudiga ee doonaya inay xajiyaan lagu wargeliyay inay khasab tahay inay raacaan sharciga oggolaanshaha iyo aqoonsiga joogista goobaha barakeysan.

Madal

XS
SM
MD
LG