New York —
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa magacaabay guddi uu hoggaaminayo diblomaasi u dhashay Faransiiska si ay dib u eegis ugu sameeyaan hay’adda Qaramada Midoobay ee gargaarka reer Falastiin ee UNRWA.
Arrintan ayaa timid kadib eedo la xiriiray in shaqaale ka tirsan hay’adda ay lug ku lahaayeen weerarkii bishii October ay Xamaas ku qaadday Koonfurta Israel. Waddamada qaarkood ayaa hakiyey kaalmadii ay hay’adda siin jireen.
Warbixin ay qortay weriyaha VOA ee New York Margaret Basheer waxaa soo jeedineysa Sahra Ciidle Nuur.
Madal