Roma —
Isbaheysi uu hogaamiyo xisbiga midigta fog ee dalka Talyaaniga ayaa u muuqda in uu ku guuleystay doorashadi baarlamaaniga aheyd ee shalay dalkaasi ka dhacday.
Haddii si rasmi ah loogu dhawaaqo natiijada, ayaa waxaa ay taasi ka dhignaan doontaa in ra’iisul wasaaraha Talyaaniga ay noqoto doonto Giorgia Meloni oo ah hogaamiyaha garabka midigta fog ee caanka ku ah ajnabi naceybka.
Waxa kale oo ay noqon doontaa markii ugu horreysay oo uu talada la wareego xisbiga midigta fog, tan iyo dagaalki labaad ee dunida.
Faah-faahinta arrintaan ayaa Cabdixaafid Cawil Ismaaciil waxa uu ka warreysaty, Shukri Saciid oo ah saxafiyad u shaqeysa Wargeyska Le República ee dalka Talyaniga.