Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xisbiga Dimuqraadiga oo difaacday aqlabiyadda Aqalka Sare ee Senate-ka


Sen. Catherine Cortez Masto, D-Nev., left, reacts alongside Nevada Gov. Steve Sisolak during an election night party hosted by the Nevada Democratic Party, Nov. 8, 2022, in Las Vegas.
Sen. Catherine Cortez Masto, D-Nev., left, reacts alongside Nevada Gov. Steve Sisolak during an election night party hosted by the Nevada Democratic Party, Nov. 8, 2022, in Las Vegas.

Xisbiga Madaxweynaha Mareykanka ee Dimuqraadiga ayaa sii haysan doona maamulka Aqalka Sare ee Senate-ka, kadib doorshada xilliga dhexe oo ay ka soo baxday natiijo meesha ka saartay saadaashii aheyd in xisbiga Jamhuurigu uu la wareegi doono labada aqal ee kongareeska.

Doorashooyinka xilliga dhexe ayaa caadiyan waxa ay yihiin kuwa ay dharaaxo kasoo gaarto xisbiga talada haya, iyadoo sicir bararka iyo shacbiyadda Biden oo hooseysay ay keentay in Jamhuurigu ay raja badan ka muujiyaan mowjad gaduudan ama cas oo ay kula wareegi doonaan aqalka senate-ka iyo kan golaha wakiillada.

Laakin warbaahinta Mareykanka ayaa Sabtidii wariyay in tartankii Senate-ka ee ka dhacay gobolka Nevada ay dib kursigaasi ugu guuleysatay Catherine Cortez Masto, taasi oo xisbiga Dimuqraadiga siineysa 50 xubnood oo ka mid ah 100-ka Senator ee Aqalka Sare.

Guusha Masto ayaa dimuqraadiyiinta u oggolaaneysa in ay maamulaan Golaha Senate-ka maadaama madaxweyne ku xigeenka Kamala Harris ay dhiiban karto codka kala saarka ah, haddii aqalka sare uu si sman oo 50 iyo 50 ah u qeybsamo.

Jamhuuriyiinta ayaa hadda haysta 49 xubnood oo ka tirsan 100-ka xubnood ee Aqalka Senate-ka.

Hal kursi oo aqalka Senate-ka ah ayaa wali dhimman, iyadoo doorasho kala reebto ah bisha December lixdeeda ay ka dhacayso gobolka Georgia halkaasi oo ay suurtagal tahay in Dimuqraadiguna ay sii xoojistaan aqlabiyadooda.

AFP

XS
SM
MD
LG