Isku xirrada

Inkasta oo Israel ay masjidka Al-Aqsa ka qaaday qalabka birta sheega ee dadka lagu baaro, ayaa Falastiiniyiinta waxa ay sheegayaan in taasi weli aysan ku filneyn.

Israel ayaa shalay qalabka ka saartay masjidka Al-Aqsa, si ay u yareyso xiisadda ka dhalatay ee ka carreysiisay muslimiinta, waxaana lagu beddelay kaamirooyin duuba dhaqdhaaqyada dadka.

Si kastaba, muslimiinta ayaan ku faraxsaneyn kaamirooyinka, waxayna Falastiiniyiinta ugu baaqeen inay ka fogadaaan masjidka.

Nabil Shaath oo ka mid ah saraakiisha Falastiin, ayaa dalbaday in xaalada masjidka lagu soo celiyo sideedii hore, waxaana uu sheegay in kaamirooyinka ay bahdil ku yihiin muslimiinta oo aan la aqbali karin.

Yuval Steinitz oo ka mid ah golaha wasiirada Israel ayaa ku eedeeyey maamulka Falastiiniyiinta inaysan dooneyn in xaaladda lagu soo celiyo degenaansho.

Waxa uu sheegay in Israel ay tanaasul badan sameysay, hase yeeshee Falastiiniyiinta ay isku dayayaan inay kiciyaan dagaal diimeed dhex mara muslimiinta iyo Falastiiniyiinta.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG