Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xasan Sheekh: 2023 wuxuu noqonayaa sanad adeeg, waxqabad iyo dib u xoreyn


Xasan Sheekh
Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in sannadka cusub ee 2023 uu noqonayo sannad adeeg iyo waxqabad ay la timaado dawladdiisa.

Madaxeynaha ayaa galabta jeediyey khudbad ku aaddan sannadka cusub ee 2023. Waxa uu sheegay in sanandkan uu noqonayo sannadka dib u xiraynta, iyo dhammaystirka dastuurka qabyada ah.

Madaxeynaha ayaa khudbaddiisa kaga hadlay xaaladda amniga ee dalka iyo hawlgalladii bilahan socday ee ka dhanka ah ururka Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dawladdiisu ay hiigsanayso sidii ay mas’uuliyadda amniga waddanka ula wareegi lahayd bisha Decembar sannadka 2024-ka, markaas oo loo qorsheeyey inay dalka ka baxaan ciidamada Midowga Afrika.

Isaga oo ka hadlayey arrimaha dhaqaalaha ayuu madaxwyenuhu sheegay in Soomaaliya ay dhammaystiri doono hannaanka dayn cafinta sannadkan bartamihiisa.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay in Soomaaliya ay sannadkan ku biirto suuqa ganacsiga Bariga Afrika ee Eastern Africa Community, iyo in sidaasi oo kale ay Soomaaliya danaynayso inay qayb ka noqoto suuqa Maraykanka iyo Afrika ee badeeccada canshuur-dhaafka u sameeya wax soo saarka Afrika ee AGOA.

XS
SM
MD
LG