Nairobi —
Aqoonyahanno Soomaaliyeed oo wax ku bartay dalka Kenya ayaa xaafadda Islii ee magaalada Nairbi ka hirgaliyay xarun loogu talagalay in Diinta Islaamka lagu baro dadka Muslimiimta ah ee qaba baahiyaha gaarka ah ee maqalka oo ay Soomaalidu kamid tahay.
Dadkan ayaa waxaa sidoo kale la barayaa xirfado ay ku shaqaystaan.
Maxamed Axmed Aadan oo kamid ah aas-aasayaasha xarunta ayaa ujeedada ay xarunta u aas-aaseen waxaa uu uga warramay Wariyaha VOA-da ee Nairobi Khadar Maxamuud Xareed.