Qaar ka tirsan xoola-dhaqatada degmada Faafi ee Ismaamulka Garissa ee gobolka Woqooyi-bari Kenya ayaa ka cabanaya cudur Geela uga dhacay oo Geel badani u dhintay, qaar kalena uu hadda la xanuunsan yahay.
Xoola-dhaqatada ayaa sheegay in cudurkani uu yahay mid ku cusub ayna garan la'yihiin si ay Geela uga daaweyn lahaayeen.
Axmed Cabdullahi Jaamac ayaa warbixintan Dhadhaab kasoo diray.