Garissa —
Xarumaha caafimaadka Gaarissa ee Waqooyi-Bari Kenya ayaa la tacaalaya kumannaan carruur ah oo nafaqo-darro la il-daran, waxaana carruurtan laga kala keenay dhulka miyiga ah.
Maamulka Garissa ayaa sheegay in carruur ay tiradoodu 30-kun kor u dhaafeyso ay la liitaan nafaqo-darro, kuwaas oo haddii aan si degdeg ah loo nafaqo-celinin qarka u saaran cudurro kale amaba geeri.
Warbixintan waxaa Dhadhaab ka soo diray weriyaha VOA-da Cabdiweli Cabdi Maxamed.