Xaaladda magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ayaa maanta daggan ka dib dagaallo labadii maalmood lasoo dhaafay ka dhacay halkaas.
Dagaaladaas ayaa la sheegay inay sababeen khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, inkasta oo aan tiri rasmi ah la heyn.
Geesta kale Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa nabad ku baaqay.
Warkan waxa Hargeysa ka soo diray Khadar Maxamed Cakule.
Dhinaca SSC Khaatumo ayaa ku eedeysay Somaliland inay si ula kac ah u beegsadeen dad rayid ah, isla markaana ay bililiqo u gaysteen hanti dadweyne, intii uu socday dagaalka, iyagoo madaxweynaha cusub ee Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ku eedeeyay inuu xaaladda gobolka uga sii daray.
Wariyaha VOA ee Laascaanood Cabdikariim Olol ayaa dagaalkii Ceerigaabo ka wareystay Cabdillaahi Saciid Mataan, oo ah gudoomiyaha gobolka Sanaag ee garabka Khaatumo.
Madal