Toronto —
Alla ha u naxariistee Usaama Ibraahim Sagaare oo ahaa 20 sano jir, Soomaali ah, ayaa Arbacadii lagu dilay magaalada Edmonton ee gobolka Alberta ee dalka Canada.
Ibraahim Sagaare oo ah Aabaha marxuumka ayaa warbaahinta gudaha u sheegay inuu maqlay dhawaqa rasaas gaareysa ilaa toddoba, kadibna marka uu bannaanka ubaxay uu arkay wiilkiisa oo la toogtay shan mar.
Haddaba wariyaha VOA-da ee Canada Xuseen Nuur Xaaji ayaa qadka taleefanka ee magaalada Edmonton kula xiriiray Cabdiraxmaan Maxamed Ibraahim, (Cabdiraxmaan Dungula) oo reerka marxuumka ay u wakiisheen inuu la hadlo warbaahinta, ugu horreyna waxa uu sharraxayaa sida ay wax u dheceen.