Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wiil Soomaali ah oo laba qof ku dilay  toorey dalka Jarmalka


Booliiska dalka Jarmalka ayaa sheegay in magaalada Ludwigshafen oo ku taalla Koonfurta-galbeed ee dalkaasi uu wiil Soomaaliyeed ku diley laba qof halka mid kalena uu gaadhsiiyey dhaawac halis ah, iyada oo wiilkan ay booliisku qabteen kaddib markii ay dhaawaceen.

Maaha markii ugu horeysay ee wiil Soomaaliyeed dil ku geysto dalka Jarmalka. Jarmalka waxa ku badan dhalinyaro Soomaaliyeed oo isugu jira wiilal gabdho oo qaar badan oo ka mid ahi ay dalkaasi kusoo galeen tahriib iyaga oo soo maramay xeebaha Liibiya, Turkiga iyo Giriiga.

Ayaanle Diiriye Cabdillaahi oo loo yaqaano Ayanle Mudakar oo deggan magaalada Manhaym ee dalka Jarmalka ahna wariye Soomaaliyeed ayaa wariyaha Qaarada Yurub Abdihafid Awil Ismail uga waramay dilkan wuxuuna ku bilaabay siddey wax u dhaceen.

Wiil Soomaali ah oo toorey ku dilay laba qof dalka Jarmalka.mp3
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:21 0:00

XS
SM
MD
LG