Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wiil Soomaali ah oo ku guuleystay abaal-marinta tartan Qur'aanka ah oo ka dhacay Mareykanka


Magaalada Lanham ee gobolka Maryland ee dalkan Mareykanka ayaa xalay lagu soo afmeeray tartan Qur’an caalami ah oo socday afar maalmood, kaas oo uu ku guulaysatay wiil Soomaali ah oo matalayay dalkan Mareykanka.

Kadib munaasabad ka dhacday masjidka Turkiga ee Diyanet oo ay ka qeybgaleen culamu’diin waaweyn oo caan ka ah dunida ayaa abaalmarin lacageed lagu guddoonsiiyay 10 kamid ah 25 dhalinyaro ah oo ka kala socday 20 dal oo caalamka ah iyadoo tartanka oo ay soo qaban qaabisay xarunta Tibyan.

Wariyaha VOA-da Cabdulqaadir Maxamed Samakaab oo tagay halka uu tartanka ka socday ayaa warbixintaan nooga diyaariyay.

Wiil Soomaali ah oo ku guuleystay abaal-marinta tartan Qur'aanka ah oo ka dhacay Mareykanka
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:47 0:00

XS
SM
MD
LG