Minneapolis —
Mid ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida ee laga soo doorto Minnesota ayaa sheegay in weerar loo gaystay masaajid ku yaalla Minneapolis Axaddii oo ay booliisku baarayaan. Waxaa iyaguna soo soo baxaya warar sheegaya weerar kale oo loo gaystay Isniin masaajid labaad taasi oo xaqiijinteedu socoto.
Weerarrada lagu qaadday masaajidda iyo cidda la tuhunsan yahay inay ka damabaysay ayaa Maxamuud Mascadde uu ka waraystay Jamaal Cusmaan oo ka tirsan Golaha Deegaanka ee magaalada Minneapolis, lagana soo doorto xaafadda ay ku yaallaan labada masaajid.