Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Soomaali miyaa jabsatay Twitter-ka suxufiga Piers Morgan? 


Piers Morgan
Piers Morgan

Toddobaadkan waxa la jabsaday barta Twitter-ka uu ku keeyahay Piers Morgan oo ah wariye Ingiriis ah oo caan ah, kaas oo aad uga faallooda arrimaha siyaasadda iyo dadka caanka ah.

Waxaa lagu xasuustaa wareysigii ugu dambeeyay ee uu la yeeshay ciyaaryahan Ronaldo. Waxaa Twitter-kiisa ku xirnaa ilaa 8.3 milyan oo qof.

Wargeyska The Daily Mail oo kasoo baxa Britain ayaa daabacay sawir muujinaaya jabsashada barta wariyahaas, waxay ku lifaaqeen khariidad muujinaysa shanta Gobol ee ay Soomaalidu degto iyo erayo ay ka mid ahaayeen 'faraha hala qaado Soomaaliya', waxaana lagu lifaaqay sawirka madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mohamed Cabdillaahi Farmaajo iyo shaksi Soomaalida ka caan ah baraha bulshadu ku kulanto oo la yidhaahdo Dabcasar inkasta oo aanay warbaahinta kale ee caalamku aanay istimaalin sawiradaas.

Haddaba Abdula Moalin oo ah madaxa machadka Global Net ayaa wariyaha VOA-da Qaarada Yurub Cabdixaafid Cawil Ismaacil uu ka wareystay jabsashada barta tweeterka ee wariyahan iyo waxa Soomaalida ku lifaaqay.

Yaa Jabsaday Twitterka Morgan?.mp3
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:44 0:00
XS
SM
MD
LG