Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Xagee ayay Somaliland kasoo gashay xeerka difaaca qaranka Mareykanka?


Madaxweynaha Mareykanka, Joe Bide, ayaa saxiixay horraantii bishan xeerka oggolaanshiyaha difaaca qaranka Mareykanka, kaas oo diiradda saaraya ammaanka qaranka, isaga oo sidoo kale ka hadlaya taageerada Mareykanka ee tababaridda ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa maamul goboleedyada iyo Somaliland.

Balse, xeerka ayaa si cad loogu sheegey in waxa ku qoran aanu gudbineyn in Mareykanku uu dal madax bannaan u aqoonsanayo xubnaha dowlad goboleedyada Soomaaliya iyo Somaliland.

Haddaba muxuu xeerka uga dhigan yahay Somaliland? Wakiilka Somaliland Bashiir Goot ayaa arrimahani uga waramay Sahra Ciidle Nuur.

Xagee ayay Somaliland kasoo gashay xeerka difaaca qaranka Mareykanka?.mp3
please wait

No media source currently available

0:00 0:13:46 0:00

Dhinaca kale, Daahir Salaad oo ah aqoonyahan bartay cilmiga siyaasadda bulshada iyo diblomaasiyadda caalamiga ah, ahna siyaasi xilliyo kala duwan la soo shaqeeyay dowladda Soomaaliya, ayaa sheegey in xeerka uu madaxweynuhu soo saaray uu yahay mid si guud uga hadlaya ammaanka qaranka Mareykanka, uusanna ujeedku aheyn in uu mudnaan gaar ah siiyo cidna, balse si gaar ah diiradda u saarayo ammaanka qaranka Mareykanka. Waxan weydiiyay waxa ay Somaliland uga duwan tahay dowlad goboleedyada kale iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee uu xeerku xusey in haddii ciidamo amniga qaabilsan uu Mareykanka u tababarayo?

Daahir Salaad?.mp3
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:06:49 0:00

XS
SM
MD
LG