Boqolaal qof oo Soomaali ah, oo xanuuno kala duwan qaba ayaa u taga magaalada Hyderabad ee dalka India si ay u helaan daaweyn caafmaad sannad walba.
Dadka dalkaasi tagaya badankood ayaa qabo xaalado caafmaad oo Soomaaliya wax looga qaban waayey.
Dr. Cabdixaliim Maxamed Maaxi oo ka howlgalo mid ka mid ah Isbtaaladda ugu weyn ee dalkaasi, Isbitaalka Apolla, ayaa sheegay in qaar ka mid ah bukaanka imaanaya dalkaasi la keeno iyadoo xaaladoodu ay aad u liidato.
Sahra Cabdi Axmed ayaa haddaba magaalada Hyderabad ku wareystay Dr. Cabdixaliim Maxamed Maaxi, oo si gaar ah uga howlgala qeybta dabiibka xaaladaha culus ee Isbitaalka ee Apolla, balse ka mid ah dhaqaatiirta Isbtaalka Kalkaal ee magaalada Muqdisho.
Ugu horraynna waxa uu ka hadlayaa qaybta uu ka shaqeeyo iyo caqabadaha ay marayaan bukaanada Soomaalida ah ee u safraya Hyderabad.