Washington —
Dalka Nigeria ayaa waxaa ka bilaabatay tirinta codadka ee doorashadii madaxtinimo iyo tii baarlamaaniga ahayd ee shalay dalkaasi ka qabsoontay. Gobollo ka mid ah Nigeria ayaa maanta wali laga codeynayaa, kuwaasi oo shalay aan codeynin sababo farsama awgeed.
Tartanka madaxweynaha bedelaya Muhammadu Buhari ayaa la saadaalinayaa in uu noqon doono mid aad isugu dhow. Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan ayaa ka wareystay Dr. Cabdulqaadir Guulane oo ka faallooda arrimaha Afrika iyo Carabta.