Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Sababta Jamhuurigu u doonayo inay Ilhaan uga saaraan guddiga arrimaha dibadda


Ilhan Omar
Ilhan Omar

Xisiga Jamhuuriga ee heysata aqlibiyadda Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa isku diyaarinaya in uu Ilhaan Cumar oo ah xildhibaan Dimuqraadi ah oo laga soo doorto gobolka Mennisota ka xayuubiyo xubinnimadeeda guddi-hoosaadka Arrimaha Dibadda.

Hoggaanka Jamhuuriyiinta ee Koongareeska ayaa sheegay in sababta ay tallaabadan u qaadayaan inay tahay, hadallo ay horey u jeedisay oo ka dhan ahaa Israel.

Ilhan Cumar ayaa horey raalli-gelin uga bixisay hadalladaasi oo loo arkayay in ay xanbaarsanaayeen Yuhuud naceyb. Codeynta kama danbeysta ah ee ay xubnaha labada xisbi ka dhiibanayaan in Ilhan Cumar laga saaro guddiga arrimaha dibadda ayaa lagu wadaa in la qabto xilli dambe oo maanta oo Khamiis ah.

Haddaba, waxa laga filan karo codeyntaasi, iyo waxa ay Ilhan uga dhigan tahay haddii ay Jamhuuriyiintu ku guuleystaan in ay ka saaraan ka mid ahaanshaha guddi-hoosaadka Arrimaha Dibadda ayuu Maxamed Bashiir Cabditaxmaan ka wareystay Xaashi Shaafi oo ka faallooda siyaasadda Mareykanka, ahna madaxa Somali Action Alliance.

Xisbiga Jamhuuriga iyo Ilhaan Cumar.mp3
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:42 0:00

XS
SM
MD
LG