Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Ruto oo sameeyey ballan-qaad ku saabsan qaxootiga Dhadhaab


William Ruto
William Ruto

Madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto, oo hadda ka mid ah musharraxiinta doorashada madaxtinimada Kenya ee sanadkaan, ayaa sheegay in haddii la doorto uu xaqiijin doono, in dib u celinta qaxootiga ku jira xeryaha Kakuma iyo Dhadhaab ay noqdaan kaliyah kuwo ku yimaada rabitaanka qaxootiga.

Ruto ayaa sheegay inuu sidoo kale raacayo heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee u dhaxeeyay Soomaaliya, Kenya iyo UNHCR, kaas oo dhigayey in qaxootiga ay si iskood ah u noqdaan ee aan la qasbin.

Ruto ayaa hadalkaan ku sheegay wareysi gaar ah oo uu magaaladan Washington D.C kula yeeshay BMJ Muriithi oo ka tirsan Laanta Sawaaxiliga ee VOA-da.

Waxaa inoo soo koobaya Maxamed Cabdi Xasan Sandheere iyo Nur Xasan Nur.

Wareysi: Ruto oo sameeyey ballan-qaad ku saabsan qaxootiga Dhadhaab
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:48 0:00

XS
SM
MD
LG