Nairobi —
Ganacsatada dalka Kenya ayaa aad uga walaacsan qiime dhac xooggan oo ku yimid lacagta Shillinka-ka ee dalka Kenya, ayadoo sidoo kalene uu aad sare ugu kacay qiimaha sarifka lacagta Dollar-ka.
Arrintaas ayey ganacsatada ku sheegeen inay saamayn xooggan ay ku yeelatay ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka. Ganacsatada Soomaalida Kenya ayaa ka mid ah dadka ay saamaysay arrintaasi.
Haddaba Cumar Ibraahim Xuseen oo ah xog-hayaha ganacsatada Suuqa Islii ayaa arrimahaas uga warramay Wariyaha VOA-da ee Nairobi Khadar Maxamuud Xareed.
Madal