Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Maxay tahay shaqada Golaha Wadatashiga Qaran ee Itoobiya?


Tan iyo bishii November ee sannadki 2020-kii, dalka Itoobiya waxaa ka dhacayay dagaallo sokeeye oo ay ku lug leeyihiin ciidamada dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah kuwa maamul goboleedyada, waxaana Qaramada Midoobay ay sheegtay in kumannaan qof ay dagaalladaasi ku dhinteen, malaayiin kalana ay ku bara-baxeen.

Si colaaddaasi xal loogu helo ayaay dowladda Itoobiya ay sameysay gole loogu magac-daray, Golaha Wadatashiga Qaran. Golahan ayaa ku mashquulsan sidii xal loogu heli lahaa colaadda sokeeye ee Itoobiya. Xubnaha golaha ayaa waxaa ka mid ah Ambassador Maxamud Dirir oo ka mid ah dadka magaca ku leh dhulka Soomaalida Itoobiya.

Wuxuu magaalada Jigjiga ugu warramay wariyaha VOA-da ee Itoobiya Maxamed Cabdiraxman Gaataa.

Golaha Wadatashiga Qaran ee Itoobiya
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:13 0:00

XS
SM
MD
LG