Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Maxaa keenay burburka Bankiga Silicon Valley ee Mareykanka?


Dawladda Maraykanka ayaa qaadday tallaabooyin aan caadi ahayn Axaddii si ay u joojiso xasarada bankiyada ee suurta-galka ah kadib guul-darradii taariikhiga ahayd ee Bankiga Silicon Valley, oo ahaa kan 16-aad ee ugu weyn Mareykanka.

Dowladda ayaa xaqiijinaysay in dadka dhigaalka lacageed ay u hayeen bankiyada khasaarey ay awood u yeelan doonaan inay si degdeg ah u helaan dhammaan lacagahooda.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay bilihii dhawaa jireen cabsi ku aadan in dhaqaalaha Mareykanka ay caqabadi soo food saareyso, sidoo kalena sicir-barar xooggan uu ka jiro dalkan Mareykanka, iyadoo dowladuna ay qaadey talaabooyin ay ku dhimeyso sicir-bararka.

Falastiin Axmed Iiman ayaa haddaba arrinta Bankigan iyo xasaradda maaliyadeed ee laga cabsanayo ka wareysatey Dr. Abdisamad Nur Bidaar oo arrimaha dhaqaalaha ku sameeyey shahaadada PhD. Ugu horeyna waxay weydiisey sababta keentey in Bankigan uu kaco?

Wareysi: Maxaa keenay fashilka Bankiga Silicon Valley ee Mareykanka?
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:02 0:00

XS
SM
MD
LG