Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Hooyo Soomaaliyeed oo ku xaniban Ukraine


Inkastoo badi Soomaalidii dalkaasi Ukraine ku sugnaa ay kasoo baxeen, ayaa wali jira dad aanay u suurtoobin inay dagaalka kasoo cararaan, waxaana dadkaasi ka mid ah Sahra Maxamed Cabdi oo ka mid ahayd dadkii ku noolaa magaalada Kyiv.

Sahra ayaa VOA u sheegtay inay haatan kasoo baxday magaaladaasi caasimada ah kadib markii ay gacan ka heshay haweenay u dhalatay dalkaasi.

Sahra oo sida ay sheegtay lasoo qaxday wiil 8 sano jira oo ay dhashay ayaa waxa ay khadka telefoonka ugu warantay Cabdixakiim Maxamuud Shirwac, waxaana uu ugu horeyn weydiiyay halka ay ku sugan tahay.

Wareysi: Hooyo Soomaaliyeed oo ku xaniban Ukraine
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:55 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG