Feer-feer —
Wali si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo Isniinti shalay Ciidamada Liyuu Booliska Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo maleeshiyo ka tirsan Al-Shabab ku dhex maray tuulada Laasqurun oo 12-km u jirta degmada Feer-feer ee xadka Soomaaliya iyo Itoobiya.
Saraakiisha amniga dowlad deegaanka ayaa guul ka sheegtay dagaalka, halka kooxda Al-Shabaab aysan weli ka hadlin.
Haddaba si aan faah-faahin dheeraad ah uga ogaanno ayuu wariyaha VOA-da ee Jigjiga, Maxamed Cabdiraxman Gaataa ayaa khadka telefoonka kula xiriiray Ibraahim Cali oo ka mid ah dadka ku nool degmada Feer-feer, waxaana ka cudur daaraneynaa in maqalka codka uu liito.