Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Dhibaatada tamarta ee ka jirta Yurub xilligan qaboobaha


Hoggaamiyeyaasha dalalka Hungry, Romania, Georgia iyo Azerbaijan ayaa Sabtidii gaaray heshiis ay ku aas-aasayaan isku-xir koronto oo badda hoosteeda maraya kaasi oo il koronto oo cusub u noqon kara Yurub xilli uu dagaalka Ukraine carqalad geliyey saadka Tamarta ee Yurub.

Heshiiskan ayaa hergelinaya xarig Badda Madow hoos maraya oo isku xiri doona Azerbaijan iyo Hungary iyadoo la sii marsiinayo dalalka Georgia iyo Romania. Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan ayaa heshiiskan cusub iyo waxa uu ka tarayo dhibaatada tamarta ee ka jirta Yurub ka wareystay Maxamed Nuur Qalimoow oo falanqeeya arrimaha Yurub deggana dalka Ingiriiska.

Dhibaatada Tamarta Yurub.mp3
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:17 0:00

XS
SM
MD
LG