Turkiga waxaa wali socda howlaha samatabixinta dadka wali la la’yahay ee ay ku dumeen dhismayaasha kadib dhul-gariir xoogganaa oo Isniintii ku dhuftay koonfurta dalkaasi iyo waqooyiga dalka deriska ay yihiin ee Syria.
Ilaa hadda waxaa la xaqiijiyay in tirada dadka ku dhintay dhul-gariirka ee dalalkaasi ay ka badan tahay 28 kun oo qof, iyadoo laga cabsi qabo in tiradu ay intaasi ka badato. Arday Soomaali ah ayaa ka mid ah dadka ku dhintay iyo kuwa wali lagu la’yahay dhismayaasha burburay.
Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan ayaa wararkii ugu danbeeyey ee dhul-gariirka iyo howlaha gurmadka socda ka wareystay Cabdirixiin Axmednuur Giindhe oo degganaa magaalada Gaziantep oo ka mid ah kuwa uu sida aadka ah ugu dhuftay dhulgariirka, laakin marka aan la hadleynay safar u ahaa magaalada caasimadda ah ee Ankara.
Dhinaca kale, tirada dhimashada dhulgariirkii ka dhacay dalalka Turkiga iyo Suuriya ayaa gaadhay ku dhawaad socon kun oo qof, dawlada Turkiga ayaa xidhay qandraaslayaal dhismaha ah xili ay weli socdaan hawlaha samatabixinta dadka ka badbaaday burburkii ka dhashay dhulgariirka. Warbixin ay VOA arintan ka qortay waxa inoo soo jeedinaya Abdihakin Shirwac.