Jigjiga —
Cabdullaahi Yuusuf Kaariye, oo ah aabe da’diisu ku dhaw dahay 60 jir, waxa uu mudo haatan laga joogo saddex sano ka qalin jabiyay dugsiga sare ee Jigjiga kadib markii uu keenay dhibco sare.
Cabdullaahi ayaa kadib wuxuu galay Jaamacadda Jigjiga, ee waxbarshada heerka darajada 1-aad, isagoo helay in uu barto waaxda culuunta farsamada batroolka.
Haddaba weriyaha VOA ee Jigjiga Maxamed Cabdiraxmaan ayaa ka wareystay waxa uu kala kulmay Jaamacada, sababaha uu ku doortay culuumta petroleum engineering iyo arrimo kale.
Madal