Dawladda Soomaaliya ayaa cambaaraysay waxa ay ku tilmaantay – duqyanta waxashnimada ah ee lala beegsaday cisbitalaka Al-Ahly Baptist Hospital ee Gaza, oo wasaaradda arrimaha gudaha ee ay Xamaas mamausho ay sheegtay inay boqollaal ku dhinteen.
Dawladda Soomaaliya ayaa ku eedaysay ciidamada Israa’iil inay qaadayaan mas’uuliyadda duqyanta cisbitaalka.
Hase yeeshee Israel waa ay diiddey inay wax lug ah ku leedahay duqeynta isbitaalka, waxayna farta ku fiiqday madfac ay rideen ururka Islamic Jihad ee Falastiiniyiinta oo ay sheegeen inuu dhicisoobay.
Dhinaca kalena, Madaxeynaha Maraykanka Joe biden oo ka degay Israil ayaa sheegay in marka la eego xogta uu arkay ay muujinayso ka dambeeyeen “dhinaca kale” sida uu hadalka uu dhigay. Haddaba warbixintan waxaa inoo soo dirtay weriyahayaga Aqalka Cad Patsy Widakuswara.
Waxaa inoo soo jeedinaya Cabdixakiin Maxamuud Shirwac.
Madal