Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararkii ugu dambeeyey ololaha doorashada Turkey


Erdogan Kılıcdaroglu
Erdogan Kılıcdaroglu

Musharaxa la loolamaya madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa Khamiistii xoojiyey codkiisa ka dhanka ah muhaajiriinta, isaga oo wacad ku maray inuu dhammaan muhaajiriinta ku celin doono dalkooda, haddii lagu doorto doorashada ku-celiska ah ee 28-ka May.

Kemal Kilicdaroglu, oo ah musharaxa isbaheysiga lixda xisbi ee mucaaradka, ayaa ku guuleystay 45% codadka doorashada Axaddii, halka Erdogan uu helay 49.5%, isaga oo waxyar ka hoos maray 50% si looga baaqsado doorasho ku-celis ah.

Hadalladii ugu dambeeyey ee Kilicdaroglu ayaa yimid ayada oo la filayo in musharaxii kaalinta saddexaad ka galay doorashada uu ku dhowaaqo go’aankiisa ku saabsan cidda uu taageerayo wareegga labaad.

Sinan Ogan, oo ah siyaasiga xisbiga diidan qaxootiga, ayaa helay 5.2%, taasi oo taageeradiisa muhiim ka dhigtay wareegga kala reebtada ah.

Isaga oo khudbad ka jeedinayey xarunta xisbigiis CHP, ayaa Kilicdaroglu wuxuu ku celiyey sida xooggan ee uu uga soo horjeedo siyaasadda Erdogan ee ku aaddan socdaalka.

“Erdogan, waxaa si kas ah ugu ogolaatay 10 milyan oo qaxooti ah inay yimaadaan Turkey. Waxaad xitaa iibisay muwaadinnimadii si aad cod u hesho,” ayuu yiri Kilicdaroglu isaga oo aan bixin caddeymo.

Turkey ayaa waxaa ku nool bulshada ugu badan caalamka ee qaxooti ah oo gaaraya 4 milyan oo qof, sida ku cad xisaabaadka dowladda.

“Waxaan halkan uga dhawaaqayaa: Dib ayaan dhammaan qaxootiga ugu celin doonaa dalalkooda marka madaxweyne la ii doorto,” ayuu yiri.

Kilicdaroglu ayaa ololihiisa ku sheegay inuu dhammaan qaxootiga Syria dalkooda ugu celin doono laba sano gudahood kadib marka uu heshiis kala gaaro madaxweynaha Syria Bashar al-Assad badbaadadooda isaga oo kaashanaya QM.

REUTERS

XS
SM
MD
LG