Kyiv —
Wada-hadallo heer sare ah oo u dhaxeeyey ergooyin ka kala socday Ruushka iyo Ukraine ayaa ka dhacay meel u dhow xuduudda Ukraine iyo Belarus, inkasta aan wax horumar ah laga gaarin.
Dhinaca kale, qaraxyo xoog badan ayaa xalay laga maqlay magaalada Kyiv ee caasimadda dalka Ukraine, ayada oo weli uu socdo dagaalka Ruushka ku qaaday dalka ay deriska yihiin.
Waxaa sidoo kale weli socda barakaca shacabka Ukraine, ayada oo QM ay sheegtay in dad ka badan nus-milyan qof ay dalkaasi ka qaxeen.
Haddaba wararkii ugu dambeeyay waxaa London kasoo diray weriyaha VOA Ridwaan Xaaji Cabdiwali.