Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Gaza oo ay ku socdaan duqeymo cir iyo dhul ah


Palestinians leave their homes following Israeli bombardment on Gaza City, Oct. 30, 2023.
Palestinians leave their homes following Israeli bombardment on Gaza City, Oct. 30, 2023.

Israa'iil ayaa mar kale subaxnimadii hore ee saaka ku qaadday duqeymo xooggan oo xagga cirka ah iyo madaafiicda Marinka Gaza, iyadoo ciidamada Israa’iil oo ay taageerayaan taangiyo ay gudaha u galeen dhulka falastiiniyiinta kadib weerar dhulka ah, taasoo keentay baaqyo caalami ah oo dheeraad ah oo ku aaddan ilaalinta rayidka.

Ciidamada Israel ayaa sheegay in ay duqeeyeen in ka badan 600 oo bartilmaameedyo oo ay leedahay Xamaass dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay, iyaga oo ballaarinaya howlgallada dhulka ee Marinka Gaza, halkaas oo dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta ay si aad ah ugu baahan yihiin shidaal, cunto iyo biyo nadiif ah iyadoo dagaalka uu galay todobaadkii afaraad.

"Ciidamada difaaca Israa'iil waxay dileen tobannaan argagixiso ah oo ku jiray dhismayaal iyo godad, waxayna isku dayeen inay weeraraan ciidamada," ayaa lagu yiri war kasoo baxay militariga Israa'iil.

Israa'iil ayaa Jimcihii billowday duullaanka weyn ee Gaza waxayna ku celisay baaqyada loogu baaqayo dadka rayidka ah inay ka guuraan waqooyiga gobolka yar ee xeebta ah ee koonfurta.

Isgaarsiinta internetka iyo taleefoonada ayaa inta badan ka go'an waqooyiga Gaza, taasoo ka dhigtay mid adag.

Falastiiniyiin badan ayaa ku haray magaalada Gaza, iyagoo ka baqaya inay waayaan guryahooda, waxayna ka walaacsan yihiin wararka ku saabsan duqaymo dhinaca cirka ah oo Israa'iil ay ka geysatay koonfurta.

Saraakiisha caafimaadka ee isbitaallada Al-Shifa iyo Al-Qudus ayaa sheegay in duqeymo dhanka cirka ah lagu garaacay meel ku dhow dhismooyinkooda.

Xafiiska bini'aadantinimada ee Qaramada Midoobay ee OCHR ayaa sheegay in 117,000 oo rayid ah ay si gabbaad ah ugu jiraan kumanaan bukaan iyo dhakhaatiir ah oo ku sugan isbitaallada waqooyiga.

Reuters.

Madal

XS
SM
MD
LG