Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararkii ugu dambeeyay ee Koobka Adduunka oo ka furmaya Qadar


Ciyaaryahanka ugu wanaagsan dunida, Karim Benzema, oo u dhashay waddanka Faransiinka ayaa seegaya tartanka kubadda cagta ee Koobka Adduunka oo goor dhow ka furmay waddanka Qadar, kadib markii uu ka dhaawacmay muruga lugta bidix.

Dhaawaciisa ayaa yimid tababarkiisii ugu horeeyay ee buuxa ee xulka Faransiiska ee Koobka Adduunka, kuwaas oo ay hadda ka maqan yihiin shan ciyaaryahan.

Karim Benzema ayaa ku biiray liiska ciyaaryahannada caanka ah ee seegaya koobkan, kuwaas oo uu sidoo kale ka mid yahay xiddiga kooxda Bareyn Munich iyo xulka Senegal Sadio Mane oo isna dhaawac ah.

Waddanka marti-gelinaya koobka adduunka ee Qadar ayaa ciyaarta furitaanka goor dhow la ciyari doonaa xulka Ecuador oo ay ku wadajiraan qeybta A.

Taageereyaasha labada xul, oo ay ugu horreyaan madaxda dowladda martiga loo yahay ee Qadar ayaa ku qulqulaya garoonka Al Bayt Stadium, waxaana ciyaarta furitaanka sidoo kale ka qeybgalay madax ka socota caalamka, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhaxal-sugaha boqortooyda Sacuudiga Maxamed bin Salmaan, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, Madaxweynaha Algeria Abdelmadjid Tebboune, Madaxweynaha Senegal Macky Sall iyo Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ay gaareen Doha.

Warbixinnada iyo natiijada ciyaaraha Koobka Adduunka halkan ayaad kala socon doontaan.

AP.

XS
SM
MD
LG