Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Walaac amni oo soo wajahay dadka ku nool Nairobi


Nairobi
Nairobi

Dadka ku nool magaalada caasimadda ah ee Nairobi ayaa waxaa soo wajahay walwal dhanka amniga ah kadib markii maalmihii lasoo dhaafay ay qeybo kamid ah magaalada Nairobi ay kusoo bateen kooxo tooreeyo iyo qalab kale ku hubaysan kuwaasoo dadka dhacaya maalin iyo habeenba.

Tiro dad ah oo ay waxyeello kasoo gaareen falalkan amni darrada ah ayaa la gaarsiiyay Isbitaallada magaalada Nairobi, inkastoo ay sidoo kale jiraan dad aanan wali tiradooda la xaqiijinin oo u geeriyooday falalkan ay gaysanayaan burcadda.

Soomaalida ku nool Nairobi ayaa ka mid ah dadka muujinaya walwaka dhanka amaanka ah. Dowladda Kenya oo ka hadashay dhacdooyinka amni darrad ah ee kuso kordhay caasimada Nairobi ayaa sheegtay inay gacan bir ah ay ku qaban doontyo kooxaha falalkani ka dambeeya.

Khadar Maxamuud Xareed ayaa warbixintan soo diray.

Walaac amni oo soo wajahay dadka ku nool Nairobi
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:38 0:00

XS
SM
MD
LG