Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wadahadalladii dowladda iyo mucaaradka Kenya oo lagu kala tagay


Wadahadallo laba geesood ah oo lagu doonayay in lagu xalliyo khilaafka u dhexeeya mucaaradka Kenya iyo dowladda madaxweyne William Ruto ayaa hakad la geliyay muddo aan la cayimin, sida uu Arbacadii sheegay madaxa wadahadalladaasi.

Wadahadallada ayaa la hakiyay kadib markii dowladdu ay ku guuldareysatay inay buuxiso dalabaadka mucaaradka, sida uu sheegay Otiende Amollo, oo ah guddoomiyaha wadahadallada labada dhinac.

Isbaheysiga mucaaradka Azimio La Umoja ee uu hogaamiyo hoggaamiyaha rug cadaaga Raila Odinga ayaa dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay khilaaf xoogan uu kala dhaxeeyay isbaheysiga uu hogaamiyo Ruto ee Kenya Kwanza (Kenya First).

Odinga ayaa hor kacayay mudaaharaadyo toddobaadkiiba laba jeer socday oo bilaabmay bishii March kaas oo lagaga cabanayay qiimaha maciishada iyo wax isdaba marin lagu eedeeyay doorashadii sannadkii hore.

Dibadbaxyada looga soo horjeedo dowladda ayaa la hakiyay horraantii bishan kadib markii isbaheysiga mucaaradka ay sheegeen in isbaheysiga talada haya ay oggolaadeen mid ka mid ah dalabaadkooda.

Ma aysan faahfaahin heshiiska xilligaas.

Reuters.

Madal

XS
SM
MD
LG