Jigjiga —
Waxaa sii adkaanaysa xaalada deegaannadda ku yaalla galbeedka gobolka Siti ee dagaalladu ay ku dhex marayaan dabley ka kala tirsan maamullada Soomaalida iyo Cafarta.
Dhinaca kalena maamulka DDS ayaa shalay meel-mariyay degmoyin cusub oo uu yeelanayo gobolkaasi ay qul-qulatooyinku ka taagan yihiin.
Haddaba weriyaha VOA-da ee DDS Maxamed Cabdiraxmaan Gaataa ayaa arrimahan ka wareystay Nuur Xasan Jaamac oo ah xildhibaan katirsan Golaha Baarlamaanka DDS kana soo jeeda gobolka siti.