Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ukraine: 50 qof oo ku dhintay weerar lagu qaaday xarun tareenada laga raaco


Hadhaaga gantaal ka mida nooca loo adeegsaday weerarka oo yaalla meel barxad ah.
Hadhaaga gantaal ka mida nooca loo adeegsaday weerarka oo yaalla meel barxad ah.

Saraakiisha maamusha khadka tareenada ee dalka Ukraine ayaa sheegay in illaa 50 qof ay ku dhinteen, oo ay ku jiraan shan carruur ahi, weerar gantaal oo lagu qaaday xarun tareen oo ku taalla bariga dalka Ukraine oo la doonayay in laga daadgureeyo dadka rayidka ah ee ka cararaya colaadaha dalkaas ka jira. Waxaa sidoo kale weerarkan ku dhaawacmay illaa 87 qof oo kale.

Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaantay weerarkaas dhimashada badan geystey ee Jimcihii lagu qaaday xarunta tareenada ee Ukraine iyo werarada kaleba "mid aan gabi ahaanba la aqbali karin" iyo inay yihiin "xadgudubyo ba'an oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah ee gargaarka bini’aadanimo iyo kan xuquuqul aadanaha, kaas oo ay tahay in lala xisaabtamo dembiilayaasha falkaas ku kacay."

Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa ku celiyay baaqa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ee ahaa "in si degdeg ah loo joojiyo dagaalkan naxariis darada ah" ee ka socda dalka Ukraine.

Labo gantaal ayaa la sheegay in lagu garaacay xarunta tareenada laga raaco ee Kramatorsk. Guddoomiyaha gobolka Donetsk ayaa sheegay in kumannaan qof ay ku sugnaayeen xaruntan iyagoo isku dayaya in ay u baxaan meelo nabdoon xilli gobolkani uu u diyaar garoobay duullaan weyn oo Ruushku ku hayo, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Saraakiisha Ukraine ayaa ku eedeeyay dalka Ruushka inuu ka dambeeyay weerarka hase ahaatee Ruushka ayaa iska fogeeyey masuuliyadda weerarkan.

Sidoo kale Jimcihii, xoghayaha difaaca ee Maraykanka Lloyd Austin waxa uu kala hadlay wasiirka gaashaandhigga Ukraine Oleksii Reznikov “baahiyaha milatariga Ukraine si ay u difaacaan dalkooda,” sida uu ku soo waramayo weriyaha VOA ee amniga qaranka Jeff Seldin.

Austin ayaa ammaanay ku dhawaaqista Slovakia ee la xidhiidha in ay u diri doonto dalka Ukraine, nidaamka difaaca hawada ee S-300, isaga xoghayaha difaaca ee Maraykanku ku tilmaamay nidaamkan "awood difaac oo muhiim ah."

War qoraal ah oo ay soo saartay dawladda Ruushku ayay ku sheegtay in gantaalka loo adeegsaday weerarka ee Tochka-U uu yahay mid ay isticmaalaan ciidamada qalabka sida ee Ukraine oo kaliya, isla markaana aanay ciidammada Ruushku wax weerar ah ku qaadin Kramatorsk.

Si kastaba ha ahaatee, website-ka Defence Blog ayaa sheegay 31-kii March in kolonyo gaadiid ah oo militariga Ruushka ah oo sitay gantaaladii dhawaan shaqada ka fariistay - ee reer galbeedka u yaqaaneen SS-21s - la sawiray iyagoo qayb ka ah ciidamada soo duulay ee Ukraine.

Wararkan waxaa laga soo xigtay qaybo ka mida wakaaladaha wararka ee Reuters iyo AP

XS
SM
MD
LG