Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Uganda oo shaqada ka joojineysa mid ka mid ah xafiisyada QM


FILE - Uganda's President Yoweri Museveni speaks during an interview at his farm in Kisozi settlement of Gomba district, in the Central region of Uganda, Jan. 16, 2022.
FILE - Uganda's President Yoweri Museveni speaks during an interview at his farm in Kisozi settlement of Gomba district, in the Central region of Uganda, Jan. 16, 2022.

Dowladda Uganda ayaa sheegtay in aysan dib u cusboonaysiin doonin shaqada xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay, iyada oo sabab uga dhigtay horumarka awooddeeda oo ku filan inay kula socon karto xaquuqda aadanaha.

Warqad ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Uganda u dirtay Xafiiska Wakiilka Sare ee Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay (OHCHR) 3-dii Febraayo oo ay aragtay Reuters Arbacadii, ayaa wasaaraddu waxay xustay horumarka Uganda ay ka samaysay horumarinta awoodda gudaha si ay ula socoto xuquuqda aadanaha, taasina ay tahay sababta ugu weyn ee go'aankeeda.

“Wasaaraddu waxa ay doonaysaa in ay gudbiso go’aanka dawladda ee ah in aan dib loo cusboonaysiin muddada xafiiska OHCHR ee dalka Uganda wixii ka dambeeya muddada xileedkan” ayaa lagu yiri warqaddan oo wasaaraddu u xaqiijisay wakaaladda wararka ee Reuters.

Afhayeenka xafiiska OHCHR ee dalka Uganda Bernard Amwine ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in uusan wax faallo ah ka bixineyn arrinkan.

Xukuumadda Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa sannadihii lasoo dhaafay waxa ay dhaleeceyn kala kulmayeen mucaaradka, dadka u ololeeya xuquuqul insaanka iyo dalalka reer galbeedka, kuwaas oo ku eedeeyay in jirdil, xarig sharci-darro ah iyo dilal sharci-darro ah oo lala beegsanayo dadka kasoo horjeeda iyo kuwa dhaleeceeya.

Saraakiisha ayaa beeniyay ku dhawaad dhammaan eedeymahan, waxayna sheegeen in dhammaan ciidamada ammaanka ee ku lug lahaa ku xad-gudubka xuquuqda la ciqaabay.

Reuters.

XS
SM
MD
LG