Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Turkiga oo mar kale wiiqay rajadii Sweden iyo Finland ee ku biirista NATO


Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa sheegay in Sweden iyo Finland aysan weli gudan dhammaan waajibaadkii ka saarnaa heshiiskii u oggolaanayay in ay ku biiraan is-baheysiga NATO, welina ay tahay inay qaadaan tallaabooyin muuqda.

Mevlut Cavusoglu, oo uu weheliyo Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltenberg oo ku sugan Istanbul, ayaa sidoo kale sheegay in Turkiga uu arkayo in xukuumadda cusub ee Sweden ee uu hoggaamiyo Ra'iisul Wasaare Ulf Kristersson ay qaadayso tallaabo ay ku gudanayso waajibaadkeeda, laakiin aysan weli ku filneyn fulinta heshiiska NATO.

Sweden iyo Finland ayaa saxiixay heshiiska ku biirista NATO bishii Juun, taasoo keentay in Turkigu uu ku hor istaago diidmada qayaxan oo ku aaddan codsigooda.

Labadan dal ayaa codsaday inay ku biiraan NATO si ay uga jawaabaan dagaalka Ruushka ee Ukraine, laakiin Turkiga ayaa dalbaday dammaanad dheeri ah, oo ay ku jirto inaysan gabbaad siin dagaalyahannada Kurdiyiinta.

Sweden ayaa bishii hore ee October laashay xayiraaddii saarnayd in qalab milateri loo dhoofiyo dalka Turkiga, kadib markii dalka Waqooyiga Yurub uu go’aansaday inuu ka mid noqdo xulafada milateri ee NATO, isla markaana heshiis laga gaaro diidmadii Turkiga.

Sweden iyo Finland ayaa mamnuucay in hubka loo dhoofiyo Turkiga sanadka 2019 ka dib markii dagaal ka dhan Kurdiyiinta Suuriya ee YPG uu Turkigu gudaha ugu galay dalka Suuriya.

Reuters

XS
SM
MD
LG