Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Turkiga oo ansixiyay ka mid noqoshada Finland ee NATO


Baarlamaanka Turkiga ayaa Khamiis ansixiyay hindise sharciyeedka ogolaanaya in Finland ay ku biirto NATO, taasi oo waddada u baneyneysa in dalkaasi uu ka mid noqdo xulafada difaaca reer galbeedka, xilli uu dagaal ka socdo Ukraine.

Baarlamaanka Turkiga ayaa ahaa kii ugu dambeeyay ee 30-ka dal ee isbaheysiga ah ee ansixiyay xubinnimada Finland kadib markii baarlamaanka Hungary uu ansixiyay hindise sharciyeed kan la mid ah horraantii toddobaadkan.

Madaxweyne Tayyib Erdogan ayaa horraantii bishii March sheegay in Finland ay ku guuleysatay oggolaashaha Turkiga kadib markii ay qaaday tillaabooyin la taaban karo oo lagu xaqiijinayo ballamaha lagu xakameynayo kooxaha ay Ankara u aragto argagaxisada, iyo inay Turkiga u oggolaatay dhoofinta saanadda difaaca ee militari.

Finland iyo Sweden ayaa sannadkii hore codsaday inay ku biiraan NATO si ay uga jawaabaan duullaanka Ruushka ee Ukraine. Laakin hirgelinta qorshahan waxaa hor istaagay Turkiga iyo Hungary, xilli dhammaan Baarlamaanada xubnaha NATO ay ansixiyaan dadka cusub.

Turkiga ayaa wali heysta ansixinta dalabka xubinnimada dalka Finland deriska la ah ee Sweden, taasoo Ankara ay sheegtay in aysan wax la taaban karo ka qaban ka hortagga dadka uu Turkigu u arko argagixiso.

Reuters

XS
SM
MD
LG