Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Turkey iyo Sacuudi Carabiya oo cambaareeyey go'aanka Taalibaan


Turkey iyo Sacuudi Carabiya ayaa noqday labadii dal ee ugu dambeeyey ee Muslim ah ee cambaareeya go’aanka mas’uuliyiinta Taalibaan ay haweenka uga mamnuuceen Jaamacadaha.

Inkasta oo markii horey ay ballan-qaadeen xukun qunyar socod ah oo ixtirmaaya xuquuqda haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay, haddana Taalibaan ayaa si baaxad leh u fuliyey xukun Islaami ah oo adag, tan iyo markii ay xukunka qabsadeen August 2021.

Waxay gabdhaha ka mamnuuceen dugsiyada dhexe iyo sarre, halka ay haweenka ka mamnuuceen shaqooyinka badankood, islamarkaana amreen inay xirtaan dhar daboolaya madax ilaa cirib. Haweenka ayaa sidoo kale laga mamnuucay baararka iyo goobaha jirka lagu dhiso (gym).

Sacuudiga iyo Turkey ayaa maanta ku biiray dalalka Muslimka ah ee cambaareeyey go’aankii ugu dambeeyey ee Taalibaan ay haweenka kaga mamnuucana Jaamacadaha.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in mamnuucistan “aysan islaaami iyo bani’aadannimo midna aheyn.”

Isaga oo ka hadlayey shir jaraa’id oo ay wada qabteen dhiggiisa Yemen, Cavusoglu ayaa ugu baaqay Taalibaan inay ka laabtaan go’aanka.

"Waa maxay dhibka ku jira waxbarashada haweenka? Maxay dhib ah oo ay u gaysaneysaa Afghanistan?" ayuu yiri Cavusoglu. “Ma jirtaa sharraxaad Islaami ah? Taa caksigeeda, diinteenna Islaamku maaha mid kasoo horjeeda waxbarashada, taas beddelkeeda, waxay dhiirigelisaa waxbarashada iyo cilmiga.”

Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa “la-yaab iyo qoomamo” ka muujisay in haweenka Afghanistan loo diiday waxbarasho jaamacadeed.

Bayaan ay soo saartay goor dambe oo Arbacadii ah, ayay wasaaraddu ku sheegtay in go'aanka uu "ka yaabiyey dhammaan dalalka Islaamka."

Horey, Qatar, oo xiriir macaamil lala leh maamulka Taalibaan, ayaa sidoo kale cambaareysay go'aanka.

Magaalada caasimadda ah ee Kabul, tobaneeyo haween ah ayaa socod ku maray waddooyinka Khamiista, iyagoo ku dhawaaqaya xorriyad iyo sinnaan. “Dhammaan ama maya. Ha cabsanina. Waan wada jirnaa,” ayay ku qaylinayeen.

Muuqaal ay heshay wakaaladda wararka ee AP, haweeney ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka ee Taalibaan ay u adeegsadeen rabshado si ay haweenka u kala eryaan.

"Gabdhaha waa la garaacay oo la karbaashay," ayay tiri. “Waxay kale oo ay soo kaxeysteen dumar ciidan ah, oo garaacaya hablaha. Waan cararnay, gabdho ayaa la xiray. Ma garanayo waxa dhici doona.”

Dhawr ka mid ah ciyaartoyda cricket-ka Afghanistan ayaa sidoo kale ku baaqay in xayiraadda la qaado.

Ciyaaryahan Rahmanullah Garbaz ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in maalin walba oo waxbarasho la lumiyo ay tahay maalin laga khasaariyey mustaqbalka dalka.

AP

XS
SM
MD
LG