Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Transparency oo Noordin Haji kala noqotay abaal-marin ay hore u siisay


Hay’adda la-dagaallanka musuq-maasuqa ee Transparency International ayaa dib ugala noqotay abaal-marin ay hore u siisay dacwad oogaha guud ee Kenya ee xilka kasii degaya, sida ay sheegtay Jimcihii, iyadoo ku eedaysay inuu meesha ka saaray kiisas musuqmaasuq oo caan ah.

Hay’adda caalamiga ah ee qaybteeda Kenya ayaa sannadkii 2019-kii guddoonsiisay Noordin Haji abaal-marinteeda daacadnimada, isaga oo sheegay in uu xafiiskiisa ku hoggaamiyey dacwado lagu soo oogay tobannaan kiis oo musuqmaasuq ah, taas oo loo arkay guul taariikhi ah oo laga gaaray waddan uu ragaadiyay musuqmaamuqu.

Xaaji oo uu madaxweyne William Ruto u magacaabay in uu noqdo madaxa hay’adda sirdoonka, ayaa meesha ka saaray eedeymihii loo haystay dhowr qof oo lagu tuhmay musuqmaasuq kaddib markii Ruto uu la wareegay xaafiiska madaxweynaha bishii September ee la soo dhaafay.

Hay’adda Transparency International (TI) ee Kenya ayaa sheegtay inay heleen codsiyo dadweyne oo ka dhan ah go’aanka lagu laalay dacwadaha, oo ay ku jiraan kuwii ka dhanka ahaa madaxweyne ku xigeenka Rigathi Gachagua iyo Aisha Jumwa, oo ah wasiir ka tirsan xukuumadda ee Kenya.

"Codsiyadan waxay dhaliyeen eedeymo culus oo la xiriira ka noqoshada kiisas musuqmaasuq oo caan ah, oo ay ku jiraan kuwii hore laguu aqoonsaday, taasoo keentay in aad lumiso kalsoonida dadweynaha," ayay Agaasimaha Fulinta TI Kenya Sheila Masinde ku sheegtay warqad loo diray Xaaji Jimcihii.

Gachagua iyo Jumwa labaduba waxay dafireen inay wax khalad ah sameeyeen markii ay dacwaddu socotay.

Reuters.

Madal

XS
SM
MD
LG