Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tirada dhimashada dagaalka u dhexeeya beeraleyda iyo xoola-dhaqatada Nigeria oo gaartay 100 qof


Nigeria Fulani Sectarian Conflict
Nigeria Fulani Sectarian Conflict

Tirada dadka ku dhintay dagaalladii u dhexeeyay beeralayda iyo xoolo-dhaqatada gobolka Plateau ee waqooyi-bari Nigeria ayaa kor u dhaaftay 100 qof, iyadoo dadka deegaanku ay baarayaan maydad kale, sida ay sheegeen dadka iyo maamulka deegaanka Jimcihii.

Dabley hubeysan ayaa weerar ku qaadday xaafado ka tirsan degmada Mangu, waxayna gubeen guryo badan oo ku yaalla ismaamulka Mangu Talaadadii, iyadoo ugu yaraan 20 qof markii hore lagu qiyaasay inay dhinteen, kuwaas oo u badan haween iyo carruur.

Rabshadahan ayaa aargoosi u ahaa beeralayda oo dilay xoolo-dhaqato iyo lo'diisii oo ay sheegeen inay ku soo xad-gudbeen dhulkooda bishii hore, sida uu sheegay Bello Yahaya oo ka mid ah xoola-dhaqatada Fulani ee deegaankaas.

Gudoomiyaha dawlada hoose ee Mangu Minista Daniel Daput ayaa sheegay in aas wadareed loo sameeyay ku dhawaad 50 qof.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in 50 kale la aasayo jimcaha, xilli ay baadi goobayeen dad kale oo lagu la’yahay duurka ku xeeran.

Sawrika laga bixiyo rabshadaha ayaa intooda badan lagu sheegaa inay yihiin iskahorimaad qawmiyad-diimeed u dhexeeya xoolo-dhaqatada muslimiinta ah iyo beeralayda Masiixiyiinta u badan. Laakiin isbeddelka cimilada iyo fidinta beeraha ayaa sidoo kale ah arrimo waaweyn.

Reuters.

XS
SM
MD
LG